Shirkii Dib u heshiisiinta Galmudug oo markii labaad dib u dhac ku yimid

HomeWararka

Shirkii Dib u heshiisiinta Galmudug oo markii labaad dib u dhac ku yimid

Shirkii Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo lagu waday in maanta oo sabti ah ka furmo magaalada Dhuusamareeb ayaa markii labaad dib u dhac ku yimid

Xulashada Daljir & Xasan Baashe, Daljir Garoowe | daawo | (dhegayso)
Xisbiga Waddani oo heshiiska Berbera ku tilmaamey “dhaxal-wareejin dalka iyo dadka”
Maraykanka oo codsaday in la baabi’yo hindise sharciyeedka muddo kordhintii 12 April

Shirkii Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo lagu waday in maanta oo sabti ah ka furmo magaalada Dhuusamareeb ayaa markii labaad dib u dhac ku yimid.

Sida ay sheegayaan wararka shirkan oo horay u iclaamiyay Guddiga qaban qaabada Shirweynaha dib u heshiisiinta inuu furmi doono 17 bisha Agosto ayaa arrimo farsamo dib ugu dhacay.

Wararka ayaa sheegaya inta badan Ergadii ka qeyb geli laheyd shirkaas oo ka socday Beelaha dega Galmudug aanay soo gaarin Dhuusamareeb, taasna ay sabab u aheyd inuu shirka dib u dhaco.

Qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug ayaa horay u qaadacay shirkaas, waxaana war ka soo baxay shirka ka socda Hobyo oo ay soo saareen Odayaal iyo waxgarad lagu baaqay in shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb dib loo dhigo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: