Ciidamadda Ahlusunna oo dhaqdhaqaaqyo Ciidan wadda

HomeWararka

Ciidamadda Ahlusunna oo dhaqdhaqaaqyo Ciidan wadda

Ciidamadii Ahlusuna ee ku biiray Galmudug ayaa xalay illaa saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayana inay kaga baxaan Heshiiskii ay galeen dowlad

Maxay ka wada hadleen madaxweyne Axmed Madoobe & Wafdi ka socda Turkiga?
Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo la shaaciyay
Xagge maraya dhismaha Wadada dhexmarta Boosaaso? (Daawo)

Ciidamadii Ahlusuna ee ku biiray Galmudug ayaa xalay illaa saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayana inay kaga baxaan Heshiiskii ay galeen dowladda Federaalka ka wadaan magaalada Dhuusamareeb.

Sida wararku sheegayaan Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa lagu arkayay xaafadaha Dhuusamareeb, waxaana dadka deegaanka ay walaac ka muujiyeen dhaq dhaqaaqan cusub inuu dhaliyo isku dhac hubeysan horseedo xaalad

Wariyeyaal ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyada cusub ee Ahlusuna ka wado Dhuusamareeb uu la xiriiro sidii amniga guud ee magaalada iyo garoonka diyaaradaha ay dib ula wareegi lahaayeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada lagu arkay Dhuusamareeb ay yihiin kuwii dhowaan la isku dhafay ee dowladda Federaalka ay sheegtay in la qarameeyay.

Amniga Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa dhowaan lagu wareejiyay Ciidamada Danab ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, sidoo kale dowladda Federaalka ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in mas’uuliyadda amniga garoonka ay la wareegtay dowladda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: