Yaa ka dambeeyay qaraxii lagu dilay Inj. Yariisow? (Akhriso)

HomeWararka

Yaa ka dambeeyay qaraxii lagu dilay Inj. Yariisow? (Akhriso)

Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen Hay’adaha Amniga ayaa lagu ogaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah oo Dumar ah; kana shaqaynaysay Dowl

Guddiga xalinta khilaafaadka oo ka jawaabay Eedeyntii Midowga Musharrixiinta
Xiliga ay dhacayso doorshada degmooyinka Qardho, Ufayn, iyo Eyl oo la shaaciyay (daawo)
Madaxweyne Xaaf: “Waxaa soo ifbaxaya in Madaxweyne Farmaajo … faragalin qaawan uu ka wado deegaanada Galmudug (war murtiyeed)

Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen Hay’adaha Amniga ayaa lagu ogaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah oo Dumar ah; kana shaqaynaysay Dowlada Hoose ee Xamar, ayadoo kaalmo ka heleysay ruux kale oo Dumar ah oo ku qornaa kaaliye, shaqaalana ka ahayd Xaruunta Dowladda Hoose.

Labada gabdhood ayaa baaritaanku cadeeyey in aan la dhameystirin hubintii loo baahnaay markii la shaqaaleysiinaayay.

Sida lagu ogaaday baaritaanka, labada gabdhood ayaa fasaxyo isku dhow oo Bil gudeheeda ah wada qaatay, iyadoo xogta qaar ay tilmaamtay in ay tageen goobo ay maamulaan Argagixisada.

Nafteed haligtaha ayaa si qaldan ugu tagri fashay caadifaddii ay u hayeen madaxda iyo dadka ay la shaqeynaysay, maadaama ay ka mid aheyd dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Uga dambeen, waxaan Bulshada Soomaliyeed la wadaagaynaa mar labaad in falkaas Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose loo soo qab qabtay dad lagu tuhunsanyahay in ay ku lug yeelan karaan falkaas, lana hor gaynayo Hay’adaha Garsoorka ee ku shaqada leh .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: