Wasiir Cawad“  Waxaan bixin doonaa sanad waliba abaal-marin  loogu magac daray Hodon Naaleeye

HomeWararka

Wasiir Cawad“ Waxaan bixin doonaa sanad waliba abaal-marin loogu magac daray Hodon Naaleeye

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ballan qaaday in dowladd

Wasiirka arimaha dibadda ee faderaalka oo hortagaya baarlamaanka aqalka sare
Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Kulan Laqaatay Bulshada Rayidka Ah Ee Ku Dhaqan Gobolka Barri.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya sanad weliba ay bixin doonaan abaal-marin loogu magac daray Hodon Naaleeye.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in abaal-marintan ay ku tartami doonaan dhammaan Qurbe Joogta Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay qiimeyn gaar ah ku sameyn doonto dhaq dhaqaaqa iyo waxqabadka Qurbe Joogta ku soo laabaneyso dalka.

Arriintan ayuu tilmaamay Wasiir Cawad in lagu dhiiri gelinayo dadka waxtarka u leh dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Hodan Naaleeye oo aheyd gabar Wariye ah, ayaa tabin jirtay sheekooyinka wanaagsan ee Soomaaliya, waxaana ay ku geeriyootay weerarakii xooganaa ee sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: