Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Kulan Laqaatay Bulshada Rayidka Ah Ee Ku Dhaqan Gobolka Barri.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19 April 2018 waxaa uu magaalada Boosaaso kaga qaybgaley kulan ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Barri iyo kan dagmada Boosaaso oo lagu taageerayey Go’aankii ay Dowladda Puntland ka qaadatey xiisada ka dhex taagan Dowladda Imaaraatka Carabta Iyo DFS.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kulankaas ku wehelinaayey qaar ka mida goloyasha Dowladda Puntland, qaar kamida xildhibaanada aqalka sare u metala Dowladda Puntland ee ka tirsan DFS, Isimo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntland iyo bulshada qaybeheeda kala duwen ee ku dhaqan Magaalada Boosaao ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Kulankan maanta oo ah kulan bulshada rayidka ah iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa bulshadii kasoo qayb gashay waxaa ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan go’aankii ay Dowladda Puntland ka qaadatey xiisada ka dhex taagan Dowladda Imaaraatka Carabta Iyo DFS, iyagoona tilmaamay in go’aanka uu qaatay madaxweynaha Dowladda Puntland uu yahay mid haboon oo xiligii loo baahnaa kusoo hagaagay, islamar’ahaantaana ay uga mahadnaqayaan madaxweynaha hogaamintiisa wanaagsan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madasha ka jeediyey hadal kooban oo dhinacyo badan taabanaya waxaana uu hadaladiisii ku bilaabay,

“Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa maamulka Gobolka iyo kan Degmadaba iyo cidii kale ee isku xilqaantey inay xafladaan nooqabato, halkaan aan idinkugu nimid ujeedkii ugu waynaa wuxuu haa caleemasaarka Beeldaajaha, kabacdina way yara haboonaatey inaan imaado Boosaaso arimo dhawrana aan ka hadlo, inbadan baan imaanayey Boosaaso iyo Gobolkaba marxalado markaa jir jiray oo ay ka mid ahayd arrimihii ciidamada iyo arrimha difaaca dalka oo xaaladii nagu soo korodhey ay ahayd, iyo kala war qaadasho bulshada reer Boosaaso, intabana safarkayga waa isugu jiraaa, hadaan ugu hormaro arinta ciidanka difaaca Baddaha Puntland waxaan kaga hadlay war saxaafadeedkaygii waxay qabtaan, meelahay kala joogaan shaqooyinkay qabtaan oo kala duwan, waxaa la yiraahdaa ciidanka ilaalada Badda, lakiin bad iyo berriba waa ilaaliyaan, 2000 oo ciidana oo tababaran oo akhlaaq leh oo maamuus leh oo si fiican loo dhaqaaleeyo, oo hada intay yihiin wax loogu sii dari lahaa aan aaminsanahay inaan uga maarmi lahayn dalka dhan difaaciisa, shaqooyinkooda maaha cadowga inay ka difaacaan, waxay ilaaliyaan badda kaluunka sharci darada ah, waxay ilaaliyaan tahriibka, waxay ilaaliyaan burcad baddeedka inay dib ugu soo laabato dalka, waxay ka ilaaliyaan Shabaab iyo Daacish, qandala oo Daacish qabsatey ciidanka keliya ee maanta joogaa waa PMPF, Galgala kuwa jooga waa iyaga, ciidanka inaataas ku filnaadey waad garan kartaan baahida loo qabo inay mid wayn tahay, meesha ay baneeyaana ay dhib wayn nagu soo kordhin lahayd, cid noo bedalaysa oo maanta jirtaa oo aan garanaayo majirto, cidii marka nagu taageertay tababarka iyo dhaqaaleha waan uga mahadnaqaynaa, waa 2,000 oo ciidana, laakiin maxaa hoos yaala, waxaa laga yaabaa in 20,000 oo qoys ay ku tiirsan yihiin mushaarka ay qaataan”

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka hadlay Dowladda Puntland meesha ay ka joogto Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu madaxweynuhu yiri”

“Puntland waxay dhiig iyo dheecaan iyo dhaqaalaba ku bixisay in Dowlad Fadaraal ah in ay abuuranto, imisa wiil oo reer Puntland ah ayaa ku aasan Villa-Soomaaliya, si ay Dowladda Soomaaliya utagto Villa-Soomaaliya, nagama suurtowdo markaa in aan Dowladdaas aan wax yeeleyno, waan taageersanahay Dowladdeena ninka hada madaxda meehsa ka ahna waa nin wanaagsan, anigana saaxiib gaar ah baan nahay, waxaa laga yaabaa in mararka qaar inaan ku kala duwaanano maslaxdaha xataa hadaan kala aragti duwanahayna qayladeena ma maqlaysaan insha Allaah si wanaagsan oo dawladnimo ku jirto, maslaxada dalka oo idilna ku jirto mid gobol iyo mid fedaraalba ayaan u wada shaqaynaynaa, marka anaga iyo Dowladda Soomaaliya wax naga dhexeeya ma jiraan” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmaha fooda nagu soohaya waxaa uu ku sugnaandoonaa magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, halkaas oo uu hawlo shaqo usii joogi doono magaalada Boosaaso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com