Ciidamadda NISA oo soo bandhigtay ragg hubaysan

HomeWararka

Ciidamadda NISA oo soo bandhigtay ragg hubaysan

Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan degmada Baardheere ee Gobolka Ge

Puntland iyo Somaliland oo is dhaafsaday Maxaabis (Daawo)
Iiraan oo dagaalka Yaman ku eedeesay in ay qayb ka yihiin dowladdaha Sacuudiga iyo Imaaraadka (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,howlgalkaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay soo bandhigeen rag hubeysan oo laga soo qabtay Xaafadaha degmada Baardheere,kuwaas oo saraakiishu sheegeen inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.

Raggaan oo gaaraya ilaa laba ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hay’adda Nabadsugida ee degmada Baardheere, iyaga oo wata Bambooyin iyo Bustoolado,isla markaana lagu soo qabtay intii uu howlgalka socday.

Saraakiisha Ciidamada Nabadsugida ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa daljir waxaa ay u sheegeen in raggaan ahaayeen kuwa Shabaab u qaabilsan dilalka qorsheysan iyo bamba tuurista,isla markaana ay ku raadjoogeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: