Dowladda Somaaliya oo soo bandhigtay sarkaal ka goostay Alshabaab

HomeWararka

Dowladda Somaaliya oo soo bandhigtay sarkaal ka goostay Alshabaab

Sarkaalkaan oo la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa waxaa lagu Magacaabaa Ibraahim Manuur Cusmaan,waxaana uu isku soo dhiibey Maamulka Degma

OGAYSIIS: Kulliyadda Macalimiinta ee GTEC Garoowe oo Arday Cusub U Qaadanaysa Bachelor of Education
Ergeyga arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta
Dowladda dhexe oo diwaangalinaysa dhakhaatirta dalka ka howlgala

Sarkaalkaan oo la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa waxaa lagu Magacaabaa Ibraahim Manuur Cusmaan,waxaana uu isku soo dhiibey Maamulka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay in mudo 9-sano ah uu ka mid ahaa Al-Shabaab,isagoona hoggaamin jirey daagaalo kala duwan oo lagu soo qaadey Degmada Diinsoor iyo Deegaano Ka tirsan Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Shiine Mayow Aadan iyo Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow ayaa si wadajir ah u sheegay in xiriir uu la soo sameeyay sarkaalkaan,islamarkaana ay soo dhoweeyeen.

Ibraahim Manuur Cusmaan ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney cafiyaan,sheegeyna inuu ka tanaasulay fikirkii Ururkii uu ka tirsanaa ee Al-Shabaab.

Si kastaba weli dhankooda wax war ah kama soo bixin Al-Shabaab ee ku aadan sarkaalkaan ay soo bandhigeen Maamulka degmada Diinsoor oo ay sheegeen in uu kasoo goostay Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: