Wasiir Goodax oo sheegay in berri uu furmo doono imtaxaanadki shahaadiga aha

HomeWararka

Wasiir Goodax oo sheegay in berri uu furmo doono imtaxaanadki shahaadiga aha

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka dugs

Fanaankii caanka ahaa Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo London ku geeriyooday
Muqdisho: Ciidanka Ammaanka oo Fashiliyey Qarax Saraakiil lagu Dili lahaa (Sawirro)
Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka dugsiga sare uu dhacayo waqtigii loogu tala galay, waxa una ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan imtixaanka.

“Maalinta isniinta oo ku beegan 27-ka bishan Maaj waxaa si rasmi ah guud ahaan dalka uga bilaaban doona imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare, Ardeyda Soomaaliyeed ee ka qeyb galeysa imtixaanka waxaan u rajeyna guul” ayuu yiri Wasiir Goodax oo hadalkiisa ku daray “Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya waxay markasta mas’uuliyad iska saareysa sidii loo garab istaagi lahaa ardeyda Soomaaliyeed,
Laamaha ammaanka waxaan ka codsaneyna inay ardeyda u turaan”.

Imtixaankan waxaa ka qeyb gali doonta sodon iyo koow kun iyo shan boqol oo ardey kuwaasoo ku kala sugan gobolka Banaadir iyo gobollada Dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: