Muqdisho: Ciidanka Ammaanka oo Fashiliyey Qarax Saraakiil lagu Dili lahaa (Sawirro)

Muqdisho: Ciidanka Ammaanka oo Fashiliyey Qarax Saraakiil lagu Dili lahaa (Sawirro)

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa fashiliyey maanta qarax lagu soo xiray gaari u lahaa sarkaal ka tirsan ciidankaas oo marayey agagaarka Ex-kuliyadii Siyaad oo ku taalla wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray oo u watay sarkaalkii lahaa ayaa waxa agagaarka Kuliyadda Jaalle Siyaad ku joojiyey gaari kale oo u watay nin ay saaxiibo ahaayeen kaasoo weydiistay beteriga lagu xiro gaadiidka.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu joojiyey gaariga si uu beteriga ugu soo bixiyo saaxiibkiis balse inti iu ku howlanaa raadinta beteriga ayaa waxaa gaariga u watay hoostiisa lagu arkay miino lagu xiray oo qorshuhu ahaa in isaga lagu qaarajiyo.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • Maxamed Xaashi 7 years ago

    Waaan soo dhaweenayaa in ciidanka Amaanka Somalia ayba fashiliyeen qaraxyadaasi dadka masuuliyiinta waxaan kula talin lahaaaaba inay marwaliba I ska jeekamaan gawarida ay wataaan thnks Daljir
    0907412301

  • Yaxye cabdiradhiid cali maxamed 7 years ago

    waxaa mahad iskale allihii badbaadiyay sarkaal kaas.
    umada soo maaliyeed allaha kasaaro dhibta,wadankana allaha ha inoo hagaa jiyo.
    ciidamada hadii lataa kuleeyo oo lava warhayo waxbadan baa inoo hagaagi lahaa.
    waana ku mahadsan yihiin askartii fashilisay qaraxa lala maaganaa sarkaalka.
    Allah wuxuu sabab oga dhigay ninkaa batariga waydiistay.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com