Maamulka Hiirsheebele oo ka horyimid Qoraalki Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS

Maamulka Hiirsheebele oo ka horyimid Qoraalki Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS

Maamulka Hirshabeelle ayaa noqday Maamulkii u horeeyay ee ka horyimid habraacii doorashooyinka dowlad goboleedyada ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ka koobnaa 27 qodob oo tilmaamayay habka iyo diyaar garowga doorashooyinka dowlad goboleedyada.

Maamulka ayaa walaac ka muujiyay warqada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taasoo ay xustay inuu ka hor imaanayo sharciga Guddiga madax banaanida Doorashooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Dastuurka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay markii ay la tashatay Madaxweynaha Hirshabeelle ay go’aansadeen in habraaca Wasaaraddu soo saartay inuu yahay mid ka hor imaanaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka iyo hannaanka Federaalka, daadajinta nidaamka Dimoqraadiyada dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com