Wasiirka ganacsiga , warshadaha iyo maalgashiga Puntland oo siwayn loogu soo dhoweeyey Mareykanka (sawiro)

HomeWararka

Wasiirka ganacsiga , warshadaha iyo maalgashiga Puntland oo siwayn loogu soo dhoweeyey Mareykanka (sawiro)

Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa siwayn loogu soo dhoweeyey wadanka Mareykanka. Wasiir

Wasiir Dhabancad oo ka hadlay cabashada Qaar kamid ah Shacabka Boosaaso (Daawo)
Guddoomiyaha Cusub ee gobalka Nugaal oo xilka la wareegay (dhegayso)
Kenya oo dalbatay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo diyaaradii ku burburtay Bardaale

Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa siwayn loogu soo dhoweeyey wadanka Mareykanka.

Wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ku wehliyay booqashadiisii wadanka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa la kulmay qaybaha jaaliyadaha Puntland ee Mareykanka.

Wasiir Cabdulaahi Cabdi Xirsi ayaa jaaliyaddaa Puntland ee Mareykanka warbixin dheer kasiiyay xaaladda siyaasadeed ee haatan Puntland, ammaan, qorshaha dowladda ee horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga.

Waxaa uu ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan oo ay yimaadaan Puntland, islamar ahaantaana looga baahanyahay jaaliyaddu inay maalgashi ka samesytaan Puntland, iyadoona xukuumadda madaxwayne Siciid Cabdulaahi Denni ay qorshaheeda koowaad ka dhigatay arrimaha ammaanka, taasi oo sida muuqata keeni karta maalgashiyo caalami ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: