Wasiirka ganacsiga , warshadaha iyo maalgashiga Puntland oo siwayn loogu soo dhoweeyey Mareykanka (sawiro)

Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa siwayn loogu soo dhoweeyey wadanka Mareykanka.

Wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ku wehliyay booqashadiisii wadanka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa la kulmay qaybaha jaaliyadaha Puntland ee Mareykanka.

Wasiir Cabdulaahi Cabdi Xirsi ayaa jaaliyaddaa Puntland ee Mareykanka warbixin dheer kasiiyay xaaladda siyaasadeed ee haatan Puntland, ammaan, qorshaha dowladda ee horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga.

Waxaa uu ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan oo ay yimaadaan Puntland, islamar ahaantaana looga baahanyahay jaaliyaddu inay maalgashi ka samesytaan Puntland, iyadoona xukuumadda madaxwayne Siciid Cabdulaahi Denni ay qorshaheeda koowaad ka dhigatay arrimaha ammaanka, taasi oo sida muuqata keeni karta maalgashiyo caalami ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com