HomeUncategorized

Kenya oo Cafiska u kordhisay Dhalinyarada ka soo Goosanaya Al-shabaab

Axad, Ogoosto 30, 2015 (Daljir) — Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Nkaiserry ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu Suxxufiyiinta kula hadlay magaalladda Mombasa, wuxuun xusay inay Dowladda kordhiyey muddada cafiska ee loo qabtay inay Dhallinyaradda ku biiray Xarakadda Alshabaab isku soo dhiibaan.

DHEGEYSO-Agaasime Tigaana oo beeniyey in Soomaaliland sanaadiiq keentay Sanaag.
Dhagayso Jaaliyada Soomaaliyeed ee Holan oo birri ku hor-banaan-bixi doona Maxkamada Dacwada Badda Soomaaliya
Yusuf Indhacadde, wasiiru dawlaha gaashaandhiga ee dawlada federaalka ah, oo ka badbaaday isku day dil.

Axad, Ogoosto 30, 2015 (Daljir) — Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Nkaiserry ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu Suxxufiyiinta kula hadlay magaalladda Mombasa, wuxuun xusay inay Dowladda kordhiyey muddada cafiska ee loo qabtay inay Dhallinyaradda ku biiray Xarakadda Alshabaab isku soo dhiibaan.

Wasiirka ma cayiman muddada loo kordhiyey cafiskaasi, wuxuuna ugu baaqay Hay’addaha Ammaanka inaysan dhibaataynin Dhallinyaradda isa soo dhiibayo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Nkaiserry, waxa uu amar ku bixiyey in Baaritaano lagu sameeyo Eedeymaha sheegayo in la la’ yahay Dhallinyarro Kenyaan oo lala xiriiriyo inay ka tirsan yihiin Alshabaab, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda magaalladda Mombasa.

Waxa uu tilmaamay inuu magacaabay Guddi Ammaan oo baaritaano ku smeeyo Eedeymahaasi, isla markaana runta u sheega Dadka Kenyaanka.

Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa sheegay in ka badan 200 Dhallinyarro lagu eedeynayo inay gacansaar la leeyihiin Xarakadda Alshabaab  la la’ yahay halka ay ku dambeeyeen.

Dhallinyaradaasi ayaa ahaa kuwa dhawaan laga sii daayey Xabsiga Mombasa, kuwaasi oo ay Boliska  bishii September ee sannadkii hore uga soo qabteen Masaajidda Minaa, Safwa, Musa iyo Sakiina oo ku yaalla magaalladda Mombasa.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: