Xasan Sheekh oo Kulamo la Qaadnaya Qaar kamid ah Madaxda Jaamacadda Carabta

Axad, Ogoosto 30, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa shalay gaarey magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaa oo ay uga bilaabatey booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa martiqaad rasmi ah ka heley hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta, waxaana maalinta beri bilaabanaya kulamo kala duwan oo la xiriira xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iyo doorka wanaagsan ee ay mar walba Dowladda Imaaraadka Carabta ka cayaareyso arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli) iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com