RW khayre oo ka qayb galay Shir Golaha Wasiiradda Jubbaland u furmay (Sawiro)

HomeWararka

RW khayre oo ka qayb galay Shir Golaha Wasiiradda Jubbaland u furmay (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shir ay Kismaayo ku yeesheen wasiirrada ku wehli

Madaxweyne Museveni: “Qaraxyadii ka dhacay Kampala waxaa laga soo Abaabulay Kenya & Soomaaliya”
Oromada oo weerar ku qaaday Tuulada Daarimi ee DDSI iyo shacabka oo is difaacay
Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan baar Sanguuni

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shir ay Kismaayo ku yeesheen wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa iyo wasiirrada wada shaqayntu kala dhexeyso tirsan dawlad gobaleedka Jubaland.

Shirka Wasiirrada dhex maray oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa madaxwaynaha Jubaland,Axmed Maxamed Islaam, ayaa intiisa badan looga hadlay sidii looga gudbi lahaa madmadawga jiray ee hoos u dhigay isku xirnaanta ka dhexeysa labada dhinac iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqyn buuxda oo fududeeya gudashada waajibaadka madaxda ka saaran u adeegidda ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka intii uu socday ayaa lagu heshiiyay in dhammaan la xalliyo cabashadii jirtay iyo in labada dhinac ay yeeshaan wada shaqayn buuxda si hannaan wadajir ah loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka qorshaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in wasiirrada federaalka iyo wasiirrada Jubaland laga doonayo in ay dardar-geliyaan fulinta qodobadii kasoo baxay shirkaan oo sidoo kale looga hadlay xoojinta Tababararada, iskaashiga iyo wadashaqaynta shaqaalaha Dawladda.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku joogo magaalada Kismaayo ayaa qorshihiisa ugu wayn waxa uu ahaa in sare loo qaado midnimada, wadajirka, wada shaqaynta dawladda federaalka iyo dowlad gobaleedka Jubaland

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: