Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan baar Sanguuni

Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan baar Sanguuni

Al-shabaab ayaa weerar loo adeegsaday gaadiid qaraxyo ah ku qaaday sadhig ay ciidmaada Jubaland iyo dowladda faderaalka ay ku leeyihiin deegaanka Baar sanguuni ee duleedk magaalada Kismaayo.

Weerarka ayaa la sheegay inuu dhacay subaxnimadii hore ee saakay, iyadoona afhayeen u hadlay Al-shabaab uu sheegtay inay ku dileen 27 ka mid ah ciidamada dowladda ee weerarka ay ku qaadeen.

Majirto cid xaqjiijin karta sheegashada Al-shabaab iyo wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Jubaland iyo dowladda.

Baarsanguuni ayaa bishii June ee lasoo dhaafay waxaa dagaal uu ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamo Mareykan ah, iyadoo askari Ameerikaan ah uu ku dhintay.

Gobolka Jubada hoose ayaan inta badan waxaan laga fulin howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana taasi loo arkaa inay fursad u siisay kooxdan oo laga soo saaray inbadan oo ka mid ah koonfurta dalka inay kusii xoogaystaan gobolka Jubada hoose.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com