Madaxweyne Museveni: “Qaraxyadii ka dhacay Kampala waxaa laga soo Abaabulay Kenya & Soomaaliya”

HomeWararka

Madaxweyne Museveni: “Qaraxyadii ka dhacay Kampala waxaa laga soo Abaabulay Kenya & Soomaaliya”

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Kampala laga soo abaabulay gud

Madaxweyne Gaas oo ka Tacsiyeeyey Geerida Marxuun Dr. Maxamed Jamac Salaad Takar
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Garowe (daawo)

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Kampala laga soo abaabulay gudaha wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Yoweri Museveni oo Wareysi siiyay Reuters ku sheegay in dowladiisu heshay cadeymo aadan in weeraradaas ay soo diyaariyeen kooxo iska soo abaabulay Soomaaliya Kenya, iyada oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen Kooxda Daacish.

Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegtay Kooxda Daacish, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay ilaa lix qof halka 30 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan dad rayid ah.

Hase yeeshee dowlada Uganda ayaa u dirtey ciidamo gudaha dalka Kongo halkaasoo ay xarumo ku leeyihiin urur islaami ah oo taabacsan ururka IS.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: