Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya & Dowladda oo sheegtay inay qabsatay magaalooyin hor leh

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya & Dowladda oo sheegtay inay qabsatay magaalooyin hor leh

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay dib ugala wareegay dagaalyahanada Tigreega magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha

Wacaal Darey ah: Qarax ka dhacay Dhuusamareeb
Bulshadda & Ardayda Garoowe oo Su’aalo Waydiyeey Musharrax Cali Xaaji (Daawo)
WARKA FIIDNIMO | CABDIFATAAX CUMAR GEEDI | DALJIR GAALKACYO

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay dib ugala wareegay dagaalyahanada Tigreega magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee istiraatiijiga ah.

Xoogag taabacsan ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalooyinka, ee gobolka Axmaarada, wax ka badan bil ka hor.

“Magaalada taariikhiga ah ee Dessie iyo magaalada Kombolcha ee ganacsiga iyo warshadaha, waxaa la wareegay ciidamada ammaanka ee wadajirka ah,”ayaa lagu sheegay adeegga isgaarsiinta dowladda.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaan ka hadlin sheegashada ugu dambeysay ee dowlada Itoobiya.

Arbacadii, ayay dawladdu ku dhawaaqday in ciidamada taabacsan Abiy ay dib u qabsadeen xarunta UNESCO ee Dhaxalka Adduunka ee Lalibela, taas oo bishii Ogosto gacanta u gashay dagaalyahannada Tigrayga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0