Khayre  Ka Qayb Galay Munaasabadda Daah-furka Horumarinta Dhaqaalaha Gobalada Dalka

HomeWararka

Khayre Ka Qayb Galay Munaasabadda Daah-furka Horumarinta Dhaqaalaha Gobalada Dalka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Dawlad gobaleedka Jubaland uga qayb galay munaasabadda Daah-furka

Galmudug oo xukun ku riday kalluumaysato Yemen u dhashay
Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Wadayasha gaadiidka iyo walaaca shilin Soomaaliga (Warbixin)

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Dawlad gobaleedka Jubaland uga qayb galay munaasabadda Daah-furka Mashruuca Horumarinta Dhaqaalaha Goballada dalka ee (ILED)

Munaasabadda lagu daad-furayay mashruucaan oo muhiim u ah umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha Jubaland, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta DFS iyo Wasaaradaha Qorsheynta Dowladd gobaleedyada, wakiilka midawgaYurub ee Soomaaliya.

“Muhiim ayey ii tahay in aan arko hindisaha nuucaan oo kale ah, sababta oo ah laf-dhabarta siyaasadaha dalkeenna waa in aan hagaajinno dhaqaalaheenna. kobcinta dhaqaalaha waxa ay noo tahay muhiimadda koowaad”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Midawga Yurub ayaa mashruucaan ku bixinaysa 83 Milyan Yuuro, waxa uu qayb wayn ka qaadanayaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta DFS, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa mashruucaan u saxiixay dawladda, dhanka midawga Yurub iyana waxaa u saxiixay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: