Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Madaxa Hay’adda UNICEF Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Mr Steven Lauwerier iyo wafti uu hogaaminayo.

Kulanka uu Madaxweyne Deni la qaatay Steven Lauwerier waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Madaxa hay’adda UNICEF Soomaaliya Steven Lauwerier ayaa ka mahadnaqay sida ballaadhan ee loogu soo dhaweeyey Madaxtooyada, waxaa uu dowladda Puntland ku amaanay wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leedahay hay’adda UNICEF, waxaana uu balan qaaday in ay dar-dargelinayaan howlaha shaqo ee ay ka hayaan Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha, Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa ka warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay kulanka.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa uu kulan la qaatay madaxa ugu sareeya Soomaaliya Hay’adda UNICEF Steven Lauwerier kulanka ayaa ku saabsanaa wada shaqaynta guud, mashruuc caafimaad oo ay Dowladda Jarmalku ugu deeqday Puntland, mashruucaas oo lagu balaarinayo Cisbitaalka guud ee Garoowe. Isla’markaana Madaxweynaha ayaa cadeeyey in muhiimad balaaran uu leeyahay mashruucaasi, muhiimna ay tahay in la hirgeliyo,” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha, Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga.

Dhinaca kale Madaxa hay’adda UNICEF Soomaaliya Steven Lauwerier ayaa muddo xileedkii shaqadiisu soo idlaatay, kulanka ayaa gees ka ahaa sagootin loo sameeyey madaxa hay’adda UNICEF, iyadoona lagu mahadiyey shaqada uu qabtay mudadii uu joogey.

Ugu dambeyn, Madxaweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu mahadnaqay hay’adda UNICEF dedaalka faraha badan iyo waxqabadka ballaadhan ay ka wado Puntland iyo Soomaaliya oo dhan, iyadoo oo uu Madxweynuhu xusey in ay wadashaqaynta wanaagsan ee UNICEF kala dhaxaysa Puntland uu dar-dargelinaayo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com