Galmudug oo xukun ku riday kalluumaysato Yemen u dhashay

Galmudug oo xukun ku riday kalluumaysato Yemen u dhashay

Maxkamadda ku taala koonfurta magaalada Gaalkacyo oo hoostagta maamulka Galmudug ayaa xukun xabsi iyo ganaax lacageed isugu jira ku riday sadex muwaadin oo u dhashay wadanka Yemen oo lagu eedeeyey inay sifo aan sharci ahayn uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya gaar ahaana deegaanada Galmudug.

Ragga la maxkamadeeyey oo kala ah C/raxmaan Cali Saciid, Cabdalla Saalim Cabdalla iyo Maxamed Saalim Cali ayaa lagu xukumay min laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed midkiiba laba kun oo doolar.

Axamed Jaamac Diirshe oo ah kaaliyaha maxkamadda xukunka riday ayaa sidoo kale sheegay inay maxkamadda ku xukuntay doonida oo magaceeda la yiraahdo Al-Ikhlaas1 konton kun oo doolar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com