HomeUncategorized

Danjire Nick Kay oo Su’aalo lagu waydiiyay Twitter-ka arimo badan kaga hadlay

Khamiis, Juun 04, 2015 (Daljir) — Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu ka jawaabayey su’aallo ay Aqoonyahannadda iyo Dadweynaha u soo marsiiyeen Barta Twitterka.

Baahin: Arbaca, Jul 06, Weriye Madar ~ Daljir ~ Bossaso. Ururka suxufiyiinta Somaliya (NUSOJ) & kan Puntland (MAP) oo si wadajir ah oo beeniyey in weriye Faysal Boston loo masaafurinayo Ethiopia; Afartameeyo ganacsato ah oo lagu xiray degmada Caabudwaaq, Galgaduud; Warbixin ku saabsan nin Somali ah oo lagu soo oogay falal argagixisnimo; Waanwaan laga dhex wado 2 ardaa oo ku dagaalamay gobollada Mudug & Galgaduud.
Caawa iyo Daljir, Khamiis, Dec 6, Khadar Cawl Ismaaciil ‘Daljir Buuhoodle’
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Tacsi iyo taariikh-nololeedkii Xildhibaan Carrab-buro

Khamiis, Juun 04, 2015 (Daljir) — Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu ka jawaabayey su’aallo ay Aqoonyahannadda iyo Dadweynaha u soo marsiiyeen Barta Twitterka.

Waxa uu tilmaamay inay QM raadinayso xal lagu furdaamiyo xiisadda Xawaaladaha, si ay Soomaalida Qurbo-joogto ugu fududaato lacagaha ay u soo diraan gudaha dalak Somalia.

Nichola Kay waxa uu hoosta ka xariiqay inuu Xafiiska UNSOM muddo labo sanno ah ku hawlanaa sidii wax looga qaban lahaa Xayiraadahaasi.

Bangiyadda Calaamiga ee Barclays Bank  ee dalka Britain,  Merchants Bank ee Gobalka California   iyo Bangiga New First American Bank iyo Bangiga Westpac ee dalka Australia ayaa horey u joojiyey Adeegyaddii Xawaaladaha ee loo soo diri jirey gudaha dalka Somalia.

Mar wax laga weydiiyey Xaalladda Somaliland, waxa uu sheegay in uusan xilligan ka hadli karin, inkastoo uu Nichola Kay uu horey si aan toos ahayn ugu  faahfaahiyey Warbixinta rekoodh gareysan ee uu horey uga hadlay.

Ergyaga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay, waxa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo Ciiddanka Nabad-ilaalinta Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM iyo xiisadda ka taagan dalka Burundi.

Nicholas Kay mar wax laga weydiiyey sababaha aan weli heshiiska looga gaarin Istaraatijiyadda bixitaanka AMISOM  iyo taariikhda ay ka bixi doonaan Somalia, waxa uu sheegay inay tahay su’aal uga baahan feker adag, wuxuuna muujiyey inuu ka xun yahay inuu ka jawaabi karin arrimahaas.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: