HomeUncategorized

Xoghayaha arimaha Dibadda Maraykanka oo Isbitaal la dhigay

Axad, May 31, 2015 (Daljir) — Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalladda Geneva ee dalka Switzerland, kadib, markii uu shil ku galay isagoo baskiil (Bushkaleeti) ku watay meel ku dhow Degaanka Scionier ee dalka Faransiiska oo 40-KM dhanka K/bari ka xiga Xuduudka Switzerland.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Mooshin laga Gudbiyay
Bank Moon ?Al-shabaab xal ha loo helo ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka soomaaliya 2016-ka?
Dowladda Puntland oo Hormarinaysa Ciyaaraha gobolka Sanaag

Axad, May 31, 2015 (Daljir) — Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalladda Geneva ee dalka Switzerland, kadib, markii uu shil ku galay isagoo baskiil (Bushkaleeti) ku watay meel ku dhow Degaanka Scionier ee dalka Faransiiska oo 40-KM dhanka K/bari ka xiga Xuduudka Switzerland.

Afhayeenka John Kerry oo lagu magacaabo John Kirby ayaa sheegay in lagu qaaday Diyaarad Helikoptar ee loogu talagalay Gurmadka Caafimaadka (a Medical Helicopter), waxaana loo soo duuliyey Isbitaal ku yaalla magaalladda Geneva.

John Kerry oo 71-jir ah ayaa la dhigay Isbitaalka ugu weyn Geneva, ee lagu magacaabo HUG Hospital, waxaana Kerry raajo (X-ray) laga saaray lugta midig oo uu ka dhaawacmay. Ma cadda muddada uu Isbitaalka ku jiri doono, waxaase la hadal hayaa inuu muddo dhowr maalmood ku sii nagaan doono Isbitaalka.

John Kerry oo inta badan jecel Baskiilka ayaa waxa uu shilka maanta ku yimid hal maalin kadib, markii uu dhigiisa dalka Iiraan, Javad Zarif shalay kula kulmay magaalladda Geneva.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: