Ciidamadii dowladda Burundi ka joogay Soomaaliya oo dib ugu laabanaya dalkoodi

Axad, May 31, 2015 (Daljir) — Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa bilad sharaf lagu gudoonsiiyay 1828 askari oo Burundian ah kuwaas oo waajibaadkoodii shaqo ee AMSIOM soo gabagaboobay.Munaasabadan lagu dhiiri gelinayay ciidamada Burundi ee dalkooda ku laabanaya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha guud ee AMISOM Lt. Gen. Jonathan Rono,kuxigeenka wakiilka AU ee Somalia Lydia Wanyoto iyo safiirka Burundi ufadhiya Somalia Joseph Nkurunziza.

Ururka AU ayaa markii ay rabshaduhu ka dilaaceen dalka Burundi hakiyay in ciidamo cusub oo ka socda dalka Burundi la keeno Somalia waxayna taas ka dhigantahay in ciidamada dalka Burundi ee qaybta ka ah AMISOM mari doonaan wadadii ciidankii Sierra Leone oo markii ciidan badala la waayey isaga baxay dalka.Su’aasha meesha kujirta ayaa ah hadii ciidanka Burundi dalka ka wada baxaan yaa buuxin doona booskooda?Hoos ka daawo qaabkii ay udhacday munaasabadu

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com