HomeUncategorized

Al-shabaab oo Saacado kooban la wareegtay Tuulooyin hoostaga Gaarisa

Jimco, May 222, 2015 (Daljir) — Ku Dhawaad 40 Dagaalame oo katirsan Al Shabab ayaa Xalay La Wareegay Tuulooyinka Yumbis,Damajaley iyo Amuma oo dhamaantood hoostaga Magaaladda Garissa Ee Waqooy-Bari Kenya.

Kalfadhigii 6-aad ee Barlamanka Federaalka ah oo lagu wado in uu ka Furmo Muqdisho
Soomaaliland oo Sheegtay inay soo afjarayso muranka ka jira maamulka degmada Saylac.
(DHAGEYSO) Barnaamijka Caawa & Daljir (Xarunta Gaalkacyo)

Jimco, May 222, 2015 (Daljir) — Ku Dhawaad 40 Dagaalame oo katirsan Al Shabab ayaa Xalay La Wareegay Tuulooyinka Yumbis,Damajaley iyo Amuma oo dhamaantood hoostaga Magaaladda Garissa Ee Waqooy-Bari Kenya.

Kooxdii Al Shabab ee Tuulooyinkasi la wareegay ayaa Calanka Al Shabab ka taagay Seddexdasi tuulo iyagga oo U Wacdiyay Dadkii Deegaanka.

Ilo Wareedyo ka tirsan Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in Weli ay halkasi ku sugan yihiin Kooxdii Xalay la wareegtay basle Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Mwenda Njoka ayaa sheegay in Al Shabab dib looga saaray Goobihii ay Xalay la wareegeen.

Al Shabab habeenkii Arbaca waxa ay sidan oo kale u tageen Tuulooyin hoostaga Degmadda Ijaara waxana ay laba Saacadood u wacdinayeen Dadka Deegaanka.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: