Kalfadhigii 6-aad ee Barlamanka Federaalka ah oo lagu wado in uu ka Furmo Muqdisho

Garowe, April, 27, 2015 – Waxaa maanta Furmaya Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamaanka Federaalka ah,waxaana lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu ka qeyb galo Furitaanka Baarlamaanka.

Xildhibaan Deefulaah oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Radio Kulmiye oo ay bah-wadaagyihiin Daljir  u Xaqiijiyay Furitaanka Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamaanka.

Sidoo kale Ciidamada Amaanka ayaa Xiray Wadooyinka soo gala Xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaas oo Xaqiijinaya Amaanka.

Bishii 2-aad Ee Sanadkaan ayaa la Xiray Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana Gudiga Joogtada ah ee Baarlamaanka ay sheegeen in 27-Bishaan la furayo oo maanta ku beegan.

 

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com