Dawladda Puntland oo qaadacday Mooshinka laga keenay baarlamaanka Jubbaland

Garowe, 22, May, 2015 Dawladda Puntland markay qiimaysay mooshinka ka dhanka ah sharciyadda Barlamaanka Jubbaland ee la horkeenay Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Aragtayna qodobada lagu dhisay keenista mooshinkaas ka dhanka ah Barlamaanka Dawlad Goboleedka Jubbaland, waxay caddeynaysaa Dawladda Puntland in mooshinkaasi uusan sharci aheyn, isla markaana khilaafsan yahay Dastuurka ku meel-gaarka ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo u ogolaanaya Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay maamulaan arrimahooda daakhiliga ah dhistaana hay’adaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo  Garsoorka.

Waxaa wax lala yaabo ah in meeshii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ay hormuud ka noqon lahaayeen yoolasha nabad-dhisidda Soomaaliya ay  caqabad ku noqdaan Barlamaan lagu soo xulay hab ku dhisan wadatashi laguna bixiyey dhaqaale iyo waqti isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda Kala duwan ee Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba.

Dawladda Puntland waxay markale canbaareyneysaa mooshikaas sharci darrada ku dhisan oo lagu  hor-istaagayo horumarka iyo nidaamka lagu hirgalinayo hannaanka nidaamka Federaalka ah ee ay Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ku dhisanayaan laamaha ugu muhiimsan maamulka.

Ugu Danbayn.
Dawladda Puntland waxay garab taagan tahay xaqqa ay leedahay Dawlad Goboleedka Jubba-land in ay u gudbaan nidaam dhameystiran dhinaca fulinta xeer-dajinta iyo Garsoorka,waxayna ku boorineysaa Barlamaanka Soomaaliya in uu ku mashquulo arrimaha muhiimka u ah jiritaanka iyo Dawladnimada Ummadda Soomaaliyeed.


 

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada Dawladda Puntland
E-mail:
[email protected]

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com