HomeUncategorized

Madaxweynaha dowladda Puntland oo dib ugu soo laabtay Garowe

Sabti, May 16, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha d0wladda Puntland Dr. Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa faahfaahin ka bixiyay safarkii shaqo ee uu kagasoo laabtay dalka dibadiisa

Wasiirka Cusub ee Caafimaadka Puntland oo Maanta xilka la wareegay
Caawa iyo Daljir,Salaasa, Jan 29,2013, Axmed Nuur Ibraahim (Daljir Boosaaso)
Dowladda oo meelaha isgaarsiinta iyo warbaahinta ku amartay in ay dhaqso isu diiwaan geliyaan

Sabti, May 16, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha d0wladda Puntland Dr. Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa faahfaahin ka bixiyay safarkii shaqo ee uu kagasoo laabtay dalka  dibadiisa

Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlay xarunta madaxtooyada, ayaa sheegay inay u baxeen sidii horumarin deg deg ah loogu samayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Puntland si loo horumariyo wax soo saarka dalka iyo shaqo abuurka.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu inuu dalka Talyaaniga kalasoo hadlay sidii loo kordhin lahaa mashaariicda horumarineed ee dowladda Talyaanigu ka wada Puntland. isagoo sheegay inuu lasoo kulmay wasiirka arrimaha dibada iyo madax katirsan barlamaanka dalkaas, kuwaas oo uu sheegay inay soo dhoweeyeen codsiga Puntland.

” Madaxda wadanka Talyaaniga waxaan kawada hadalnay in mashaariicda ay wadanka ka fuliyeen sii laba jibaaraan oo mashaariic kale oo horleh ay ka fuliyaan Puntland insha,allah waan rajaynaynaa in wada hadalkayagu mira dhalo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynuhu Puntland ayaa sidoo kale sheegay inuu tagay dalka iskutaga Imaaraatka carabta, halkaas oo uu sheegay inuu kalasoo hadlay mas’uuliyiinta dalkaas sidii Puntland looga taageeri lahaa is badalka horumarka Puntland.  Wuxuu sidoo kale sheegay inay lasoo kulmeen shirkado badan oo diyaar u ah inay maalgashadaan Puntland.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: