
Muqdisho, October 27, 2013 – Wasaarada warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee Soomaaliya ayaa soo amar ku socda xaruumaha warbaahinta kala duwan, shirkadaha isgaarsiinta iyo goobaha Internetyada ee dalka.
Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi oo soo saaray qoraal maanta ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in ay is diiwaan geliyaan dhamaan xaruumaha, isgaarsiinta iyo warbaahinta iyo goobaha Internetyada.
Qoraalka wasaarada warfaafinta Soomaaliya waxaa lagu sheegay in la hubinayo dhamaan xaruumahaas in ay is diiwaan geliyeen ka hor 10 bisha Novermber ee fooda nagu soo haysa.
Wasiirka wasaarada Cabdulaahi Ciilmooge waxaa uu si cad u sheegay in xaruumaha aan is diiwaan gelin? ay u gudbin doonaan wixii ka dambeeya xiligaas wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
FAALLOOYIN & FALCELIN