Wasiirka Cusub ee Caafimaadka Puntland oo Maanta xilka la wareegay

Isniin, Luuliyo 06, 2015 (Daljir) — Wasiirka cusub ee wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland DR Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa maanta xilkii wasiirnimo ee wasaaradda kala wareegey wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Dr Saadiq Abshir Eenow oo mudo xilkaasi hayey.

Munaasabadda xil-wareejinta oo kadhacday xarunta wasaaradda ayaa waxaa ka qaybgalay xubno katirsan golayaasha dowladda Puntland, shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyo qaybaha bulshada rayidka ah oo ay weheliyeen bahda caafimaadka.

Labada wasiir ayaa inta aysan xilka lakala wareegin waxa ay jeediyeen khudbado, waxaana wasiirkii hore ee wasaaraddu uu sheegay inay waxbadna qabteen mudadii uu xilka hayey uuna wasiirka cusub ka filayo dhamaystirkooda.

Wasiirka cusub ee wasaaradda caafimaadka Dr Cabdinaasir ayaa dhankiisa uga mahadceliyey madaxda wasaaradda waxa ay qabteen iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda wuxuuna balanqaaday inuu shaqada halkeedii kasii wadi doono.

By: Abdirashid

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com