Xaalada magaalada Baydhabo oo saaka degan

HomeWararka

Xaalada magaalada Baydhabo oo saaka degan

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in maanta magaalada ay degantahay kadib sadax maalmood uu ka socday d

Kenya oo ku dhawaaqday in Madaxweynayaasha Somalia & Kenya ay saxiixayaan dib u furista ganacsiga Jaadka
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay ku Noqoshada Miisaaniyadda 2019 Iyo xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018
Madaxweynaha Puntland oo Booqday dhisme lagu kordhiyeey Madaxtooyada Jubbaland (Daawo)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in maanta magaalada ay degantahay kadib sadax maalmood uu ka socday dibad bax looga soo hor jeeday xariga Muqtaar Roobow .

Ciidamada amniga oo kaashanaya milatariga Itoobiya ayaa ku guulaystay in kala eryaan dadkii dibad baxa dhigayay waxaana lagu soo waramayaa  in ku dhawaad 300 oo qof loo xiray rabshadihii ka dhacay  magaalada Baydhabo .

Isku socodkii ganacsiga ayaa dib u soo laabtay waxaana lafuray goobihii ganacsiga ee magaalada Baydhabo.

Masuuliyiinta maamulkaKoonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqay in ay xaalada dajiyaan oo ay amniga kala shaqeeyaan ciidamada dowladda.

 

Doorashada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa dhawaan dhici doonta, waxaana maanta bilaaban doonta dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Daljir kala soco wixii ku soo kordha warkan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: