Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Amiirka Qatar oo kulmay

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xaamid, waxaana kulanka oo kadhacay magaalada  Dooxa looga wada  hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo dhinacyada horumarinta.

“Kulankan wuxuu ahaa mid faa’iido leh oo miro leh, Waxaan u mahad celinayaa Dawlada Qatar iyo hoggaakeeda doorka ay ku leeyihiin iyo dadaalkooda adag ee ay nagu garab taagan yihiin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka

Raysal wasaaraha iyo wafdi wasiiro oo hogaaminaya ayaa dalka Qatar heshiisyo kula saxiixday dowladda  Qatar, iyadoona heshiisyadan lagu kala saxiixday arrimaha maalgashiga iyo horumarinta waddooyinak Muqdisho iyo Afgooye, Muqdisho iyo Jowhar iyo dhismaha dekedda Hobyo oo uu raysal wasaaruhu sheegay sanadkan in la dhexdhigayo, sanadka xigana la bilaabi doono mashaariicda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com