Waa imisa tirada ciidamada milatariga Soomaaliya ee dowladda u diiwaan gashan? (Akhriso )

Waa imisa tirada ciidamada milatariga  Soomaaliya ee dowladda u diiwaan gashan? (Akhriso )

Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in ciidamada Milatariga ee Soomaaliya ay kala wareegaan amniga gobolada koonfureen ciidanka AMISOM ee Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya sanadka 2020ka  .

Wadamada  Turkiga , Suudaan ,  Masar , Uganda  ayaa  Soomaaliya u soo taba baray qaar kamid ah ciidamada dowladda ee loo qorsheeyay amniga dalka in ay lawareegaan.

 

Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka Amniga Cabdi Siciid Muuse Cali  ayaa shaaciyay tirada ciidamada meletariga Soomaaliya ee sida saxda ah ugu diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.

Mr Cabdi Saciid, ayaa sheegay in ciidamada maletariga Soomaaliya ay gaarayaan 9,000 “Sagaal kun”oo askari, oo si sax ah ugu diiwaan gashan dowladda Soomaaliya, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

 

AMISOM ayaa dalka soo gashay sanadkii 2007dii , waxaana la qorshaynayaa in 2020ka AMISOM dalka ay isga baxaan .

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com