Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Amiirka Qatar (Sawiro)

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Amiirka Qatar (Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ka bilaabay Magaalada Geneva
Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka & UK kala hadashay gurmadka Abaaraha
Garowe oo lagu qabtay shir looga hadlayey Amniga gobolka Nugaal

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amiirka Qatar uga mahadceliyay soo dhawayntii ballaarnayd iyo marti soorka Dooxa loogu sameeyay wadfiga uu hoggaanayo.

Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than, ayaa ballan qaaday in ay sii wadayaan xoojinta xariirka laba dal iyo taageeradooda shacaka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalmihii uu dalkaasi joogay la kulmay dhiggiisa dalkaasi, waxa uuna maanta ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Dooxa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0