Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ka bilaabay Magaalada Geneva

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ka bilaabay Magaalada Geneva

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas Danjire Philip Parham, ka hor shirka heerkiisu sarreeyo ee looga hadlayo abaaraha ka jira Geeska Afrika kaas oo berri ka furmaya Geneva.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo horumarinta iskaashiga xooggan ee labada dal iyo xaaladda abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen habsami u socodka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya. Danjire Parham ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u maamulay doorashooyinka dalka oo si guul ah ku soo gaaray heer gebogebo ah.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay iskaashiga iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada ay ku jirto duruufan adag oo kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com