HomeUncategorized

Madaxweyne Xasan oo Nairobi kula shiray diblumaasiyiinta dalalka xiriirka la leh Soomaaliya

Jubba, December 28, 2013 - Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa xalay kula kulmay Nairobi diblumaasiyiin reer galbeed ah oo fadhigoodu yahay Nairobi, kulamada ayaa u dhacay si gooni gooni ah.

Kenya oo Sheegtay Dilka Dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab
DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
M/weyne Shariif oo sheegay in dawladiisu in ay ka guulaysatay Islaamiyiinta ku kacsan. [Akhris …]

Jubba, December 28, 2013 – Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa xalay kula kulmay Nairobi diblumaasiyiin reer galbeed ah oo fadhigoodu yahay Nairobi, kulamada ayaa u dhacay si gooni gooni ah.

Safaarada Soomaaliya ee Kenya waxay xustay in madaxweynuhu la kulmay diblumaasiyiinta dalalka Yurub iyo Maraykanka ee Kenya jooga.

Madaxweynaha ayaa diblumaasiyiinta kala hadlay xiriirka u dhexeeya iyaga iyo Soomaaliya, iyo taageerada beesha caalamka ay u fidiso dalka, xili qaybo ka mid ah ?weli la sugayo taageeradaas

Maxamed Cali Ameeriko oo ah safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, wuxuu sheegay in madaxweynuhu dadaal ugu jiro sidii loo daad-gurayn lahaa dadka Soomaalida ah ee ku xaniban koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa shalay kaga qayb-galay Nairobi shir aan caadi ahayn oo looga hadlayey arrimaha koonfurta Suudaan, wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo xasiloonida gobolka.

Xasan sheikh Maxamuud sidoo kale wuxuu madaxda dalalka gobolka kala hadlay in Soomaaliya laga caawiyo daad-guraynta muwaadiniinteeda jooga Koonfurta Suudaan oo ay ka jiraan colaaddo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: