10 soomaali ah oo ku dhintay dagaalo u dhexeeya shiicada iyo sunniga degan woqooyiga dalka Yeman

Sanca, December 28, 2013 – Deegaanka Damaaj ee woqooyiga dalka Yeman waxaa weli ka aloosan dagaal u dhexeeya dadka shiicada iyo suniga ah ee halkaas degan, dagaalka oo dad badan ku dhinteen ayaa waxaa qayb ka ah dadka waxyeeladu gaartay Soomaali soo galooti ah.

10 ruux oo muhaajiriin Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalka ka socda deegaanka Damaaj ee Yeman, sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray in ka badan 40 kale, sida ay maanta qorayaan warbaahinta qaar.

Dowladda Yeman ayaa lagu eedeyey inay ka gaabisay wax ka qabashada dagaalada madhabta ku salaysan ee ka socda woqooyiga dalka Yeman.

500 ruux oo ay ku jiraan 43 Soomaali ah ayaa ilaa haatan ku dhaawacmay dagaalka u dhexeeya yamaniyiinta degan Damaaj, deegaanka waxaa jooga Soomaali badan oo muhaajiriin ah, in kastoo colaadu hadda ku reebtay raad adag.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com