HomeUncategorized

Baydhabo oo lagu xiray boqolaal dhalinyaro ah oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Shabaab

Baydhabo, December 16, 2013 - Howl-galo amni sugid ah oo ka socda Baydhabo ayaa lagu qabqabtay 400 ruux oo u badan dhalinyaro, waxaana qaybtood ku socda baaritaano khaas ah, sida ay sheegeen boolisku.

Dhegeyso:Shir lagu dhisayo Dallad midaysa Ururada Dhalinyarada Puntland oo Garoowe ka furmay
DHEGEYSO-Shacabka Caabudwaaq oo soodhoweeyey dhul jaamacadda lasiiyey.
?Waa been abuur wararka sheegaya in ragga la qabtay ay ka dambeeyeen dilkii marxuun Jifi-jabsade ee Galkacyo? Max?ed Suldaan Xassan Baalle.

Baydhabo, December 16, 2013 – Howl-galo amni sugid ah oo ka socda Baydhabo ayaa lagu qabqabtay 400 ruux oo u badan dhalinyaro, waxaana qaybtood ku socda baaritaano khaas ah, sida ay sheegeen boolisku.

Col. Mahad Cabdiraxmaan oo ah taliyaha booliska gobolka Baay ayaa xaqiijiyey in la qabtay dhalinyaro intaas le?eg.

Dhalinyarada la qabtay ayaa looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-shabaab, sida uu saxaafada u sheegay Col. Mahad.

?Qayb waa lagu waayey cadaymo waana la sii daayey, balse kuwo kale ayaa weli baaqi ku ah xasbiga oo baaritaano lagu wadaa.? Taliska ayaa sidaas sheegay.

Booliska gobolka Baay waxay degniin u jeediyeen cid kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso amniga magaalada Baydhabo iyo kan gobolka oo idil, taliye Mahad oo la hadlay dadkii la qabtay ayaa u sheegay in muhiimadu tahay in la hubiyo amniga oo la baaro dadka.

Taliska booliska waxay shacabka Baydhabo ugu baaqeen inay booliska kala shaqeeyaan sugida amniga guud ee magaalada oo uu ka socdo shir looga tashanyo maamul samayn goboladaas, sidoo kale waxaa lagaga hortegayaa qaraxyada kooxdu ka fuliso gobolka.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: