Midowga Afrika oo boggaadiyey magcaaista ra?isal wasaaraha dhowaan la magcaabay ee Soomaaliya

Muqdisho, December 16, 2013 – Midowga Afrika ayaa si hanaan leh u soo dhoweeyey magcaabista ra?isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli sheikh Axmed oo khamiistii loo magcaabay xilka, iyadoo maalmo la sugayey in dalku yeesho ra?isal wasaare.

Maxamed Sallax Annadiif oo ah wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya waxaa uu amaanay sida deg deg ah ee madaxweynaha dalka uu u soo magcaabay ra?isal wasaaraha cusub, si ay u sii socdaan howlaha horyaala dowladda.

Ururka midowga Afrika ayaa ku kalsoon ra?isal wasaaraha cusub inuu karti u yeelan doono dardar gelinta howlaha horyaala dowladda iyo shaqada xafiiska ra?isal wasaaraha, sida uu war qoraal ah ku sheegay danjire Annadiif.

Ansixinta baarlamanka Soomaaliya ee ra?isal wasaaraha cusub ayuu sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey Annadiif.

Arbacada ayaa fadhiga baarlamanka laga sugayaa in la keeno ra?isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheikh Axmed, gudoomiyaha baarlamanka ayaa isna ku amray xildhibaanada inay yimaadaan fadhiga ansixinta.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com