HomeUncategorized

?Waa been abuur wararka sheegaya in ragga la qabtay ay ka dambeeyeen dilkii marxuun Jifi-jabsade ee Galkacyo? Max?ed Suldaan Xassan Baalle.

Galkacyo, Apr 23 - Maxamed Suldan Xassan Baalle oo ay isku hayb yihiin raggii xalay lagu qabtay Galkacyo ee lagu tuhmay inay ka dambeeyeen Allaha u naxariistee dilkii marxuun Mukhtaar Sh. Cali Jifi-jabsade ayaa been abuur ku tilmaamay warkaasi, waxaana uu sheegay in dadka warkaasi faafinaya ay yihiin kuwa doonaya inay huriyaan colaadd labo beelood oo aan dani ugu jirin.

Dawladda Puntland oo sharraxaad dheer ka bixisay shixnadda gargaar ee uu wado markab ku soo xirtay dekedda Bossaso.
Faysal Rooble: Caliyoow Adigu ha Dumin Muqdisho oo Muqdisho ka Dhowr Dhibta!
Xasan Abshir: Ma Aanan Geeriyoon ,waan Noolahay

Galkacyo, Apr 23 – Maxamed Suldaan Xassan Baalle oo ay isku hayb yihiin raggii xalay lagu qabtay Galkacyo ee lagu tuhmay inay ka dambeeyeen Alle ha u naxariistee dilkii marxuun Mukhtaar Sh. Cali Jifi-jabsade ayaa been abuur ku tilmaamay warkaasi.

Waxaa uu sheegay in dadka warkaasi faafinaya ay yihiin kuwa doonaya inay huriyaan colaadd labo beelood oo aan dani ugu jirin.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in ragga la qabtay mid kood uu saqiir yahay oo uu jiro 12 sano, ayna yihiin haba yaraatee rag aan waxaasi ka suuroobin, ayna taasi muujinayso sida warkaasi xaqiiqda uga fog yahay.

Suldaanka ayaa sheegay inay sax tahay in la qabto cid kasta oo looga shakiyo dilka qof islaam ah oo aan waxba galabsan, laakiin aysan ahayn in lagu deg-dego war aan la hubin xaqiiqdiisa.

Waxaa uu intaasi ku sii daray in looga fadhiyo dawladda inay caddaaladda ilaaliso, ayna hawsha u baarto si qoddo dheer, la iskana ilaaliyo deg-deg iyo xamaasad.

Axmed Sh. Max?ed Tallman
Daljir Bossaso

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: