Xubno ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish oo lagu qabtay xadka udhexeeya Mareykanka iyo Mexico

HomeWararka

Xubno ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish oo lagu qabtay xadka udhexeeya Mareykanka iyo Mexico

ilaa iyo 15 xubnood oo ka tirsan Ururada Daacish iyo Al-shabaab ayaa lagu qabtay xadka ay wadaagaan dowladdaha Mareykanka iyo Mexsico , iyagoo ku soo

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo amartay in la joojiyo dhammaan tartamada ciyaaraha dalka
Guddiga xiriirka kubadda Cagta Puntland oo lagu dhawaaqay (Daawo)
Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa oo soo saaray Warsaxaafadeed (Akhriso)

ilaa iyo 15 xubnood oo ka tirsan Ururada Daacish iyo Al-shabaab ayaa lagu qabtay xadka ay wadaagaan dowladdaha Mareykanka iyo Mexsico , iyagoo ku soo dhex dhuuntay dad muhaajiriin ah.

Mareykanka ayaa shaaciyay ragan magacyadooda iyo wadamada ay ka soo jeedaan.

 

1-Cabdulahi Shariif, Somalia, lagu xiray Alberta, Canada, September 2017, ka tirsan Daacish.

2-Ibrahim Qoordheere, waa Somali, waxaa lagu xiray Costa Rica, March 2017,ka tirsan al-Shabaab

3-Abdullahi Cumar Fidse, waa Somali, waxaa lagu xiray Sohdinta Mexico-Texas , June 2008, ka tirsan Al-shabaab

4-Maxamed Axmad Dhaqane, waa Somali, waxaa lagu xiray sohdinta Mexico-Texas , October 2008, ka tirsan Al Itixaad Al Islaami .

5-Qof aan la magacaabin u dhashay Somalia , waxaa lagu xiray sohdinta Texas-Mexico, June 2014, ka tirsan al-Shabaab.

6- Qof aan la magacaabin, u dhashay Somalia, lagu xiray sohdint Mexico-California, May 2011, ka tirsan Al-shabab, Aabbihiis, Hooyadiis iyo Afar Carruur ah oo la dhalatay ayaa sidoo kale ku jira liiska Argagixisada isha lagu hayo.

Sagaal ruux oo kale oo la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Afghanistan,Lebanan, Pakistan, Sri Lankan iyo Bangladesh ayaa lagu qabtay xuduuda ay wadaagaan Mexico iyo Mareykanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: