Xubno ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish oo lagu qabtay xadka udhexeeya Mareykanka iyo Mexico

ilaa iyo 15 xubnood oo ka tirsan Ururada Daacish iyo Al-shabaab ayaa lagu qabtay xadka ay wadaagaan dowladdaha Mareykanka iyo Mexsico , iyagoo ku soo dhex dhuuntay dad muhaajiriin ah.

Mareykanka ayaa shaaciyay ragan magacyadooda iyo wadamada ay ka soo jeedaan.

 

1-Cabdulahi Shariif, Somalia, lagu xiray Alberta, Canada, September 2017, ka tirsan Daacish.

2-Ibrahim Qoordheere, waa Somali, waxaa lagu xiray Costa Rica, March 2017,ka tirsan al-Shabaab

3-Abdullahi Cumar Fidse, waa Somali, waxaa lagu xiray Sohdinta Mexico-Texas , June 2008, ka tirsan Al-shabaab

4-Maxamed Axmad Dhaqane, waa Somali, waxaa lagu xiray sohdinta Mexico-Texas , October 2008, ka tirsan Al Itixaad Al Islaami .

5-Qof aan la magacaabin u dhashay Somalia , waxaa lagu xiray sohdinta Texas-Mexico, June 2014, ka tirsan al-Shabaab.

6- Qof aan la magacaabin, u dhashay Somalia, lagu xiray sohdint Mexico-California, May 2011, ka tirsan Al-shabab, Aabbihiis, Hooyadiis iyo Afar Carruur ah oo la dhalatay ayaa sidoo kale ku jira liiska Argagixisada isha lagu hayo.

Sagaal ruux oo kale oo la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Afghanistan,Lebanan, Pakistan, Sri Lankan iyo Bangladesh ayaa lagu qabtay xuduuda ay wadaagaan Mexico iyo Mareykanka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com