HomeUncategorized

Howl-galka la dagaalanka Burcad-badeeda oo Seychelles ku wareejiyey Soomaali hor leh oo eedaysan

Port Victoria, December 3, 2013 - Hay?addaha amniga ee Jasiirada Seychelles ayaa la wareegay sagaal dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo qabtay falal burcad-badeednimo, xili ay weerareen Markab xamuul.

Kulan lagu taageerayo shirka Khaatumo 2 ee lagu qaban doono Taleex oo maanta ka dhacay Buuhoodle.
Dhagayso Culumaa’udiinka Puntland oo shacabka ugu baaqay in ay ka qaybgalaan Gurmadka dhismaha Isbitalka Gaalkacyo.
Baarlamaanka Soomaaaliya oo ansixiyey xeer hoosaadkoodda.

Port Victoria, December 3, 2013 – Hay?addaha amniga ee Jasiirada Seychelles ayaa la wareegay sagaal dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo qabtay falal burcad-badeednimo, xili ay weerareen Markab xamuul oo marayey xeebaha ku dhow Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay booliska Seychelles ayaa shaaciyey in ay oggolaadeen in ay maxkamad saaraan sagaal dhalinyaro Soomaali ah oo ku eedaysan Burcad-badeednimo.

Ragga lagu wareejiyey Jasiirada Seychelles ayaa waxay dhowaan weerar ku qaadeen Markab xamuul oo laga leeyahay dalka Denmark, balse waxaa badbaada Markabkaas ka qayb qaatay gaadiidka dagaalka kula jira Burcad-badeeda ee jooga xeebaha gobolka.

Markabka Burcad-badeedu weerartay ee la badbaadiyey ayaa la yiraahdaa Torm Kansas.

Seychelles waxay sheegtay in raggan lagu tuhusan yahay inay sidoo kale bishii November weerar ku qaadeen markab uu ka bab-banayey calanka Hong Kong, in kastoo ay iska cabin kala kulmeen illaalo hubaysan oo Markabka saarnaa.

Britain ayaa bishii October ka digtay inay awood yeeshaan Burcad-badeeda oo dhowr isku day sameeyey bilihii ugu dambeeyey, weeraradda Burcad badeeda ee ka dhici jiray xeebaha Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadkii ugu dambeeyey, kadib dagaal awood badan oo kooxda lala galay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0