HomeUncategorized

Gudoomiye Tigey oo ku noqday Mudug waxqbadna ku amaanay Jaaliyada gobolka ee dibedda (Maqal)

Galkacayo, November 2, 2013 - Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed yuusuf jaamac Tigey ayaa dib ugu soo noqday magaalada Galkacayo ee xaruunta gobolka Mudug, safar dheer oo uu ku tegay meelo ka mid ah qaarada Yurub.

Hogaamiyayaal reer Europe ah oo u tegay dalka shiinaha wadahadal dhinaca dhibaatada deymaha ah
DHEGEYSO-Sheekh Cabdiraxmaan Qoordheere*DFS waxay dalka ku celisey dagaalkii sokeeye*.
Muqdisho oo maanta ay ka dhoofeen 125 arday oo ka mid ah kuwii helay deeqdii waxbarasho ee Turkiga.

Galkacayo, November 2, 2013 – Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed yuusuf jaamac Tigey ayaa dib ugu soo noqday magaalada Galkacayo ee xaruunta gobolka Mudug, ?safar dheer oo uu ku tegay meelo ka mid ah qaarada Yurub isaga iyo xubno ka tirsan gollaha wasiirada dowladda Puntland.

Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo shacabka kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacayo waxaa uu sheegay in ay guulo badan ka gaareen safarkii ay ku tegeen meelo ka mid ah dalalka Qaarada yurub oo ay kala hadleen horumarka Puntland iyo xiriirka wada-shaqayneed.

?waxaan la kulannay wasiiro, xilibaano ka tirsan kuwa Denmark dhamaan waxaan ka wada-hadalnay xiriir iyo iskaashi dhex-mara Puntland iyo dowladda Denmark.? Ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Mudug mudane Tigey.

Waxaa uu amaan u jeediyey jaaliyada gobolka Mudug ee dalalka qaarada Yurub oo uu sheegay in ay ku howlan yihiin sidii horumar looga samayn lahaa gobolka, ? haatan waxay balan-qaadeen qalabka lagu dhiso jidadka oo qayb ka noqonaya horumarka jaaliyadu waddo.?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: gudoomiyaha gobolka Mudug Maxmaed Tigey oo ka hadlaya safarkiisa

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: