HomeUncategorized

Hay?adaha la dagaalanka musuqmaasuqa Uganda oo xir xiray Soomaali ku eedeysan wax is-dabamarin

Kampala, October 26, 2013 - Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu xiray tobbanaan Soomaali ah oo ku eedaysan falal musuqmaasuq iyo wax is dabamarin, xili ay socdaan howlgalo baaxad leh oo dalkaas ka socda.

Soomaaliland oo dib u howl-gelinaysa adeegga boostada ee deeganada maamulkaas
Barnaamij ku saabsan iska-horimaad hubaysan oo ka dhacay Galkacyo.
DHEGEYSO-Abaar Qoysas ku cayraysay deegaamo katirsan gobolka Sanaag.

Kampala, October 26, 2013 – Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu xiray tobbanaan Soomaali ah oo ku eedaysan falal musuqmaasuq iyo wax is dabamarin, xili ay socdaan howlgalo baaxad leh oo dalkaas ka socda.

12 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay yihiin Soomaalida xiran ee la qabtay, waxaana si rasmi ah loogu eedeyey khaladaad ay ka galeen sharciga dalkaas iyagoo adeegsaday waxyaalo ka baxsan xeerarka.

Guddiga sare ee jaaliyada Soomaalida Uganda ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii loo sii dayn lahaa dadka Soomaalida ee xiran.

Howgallada Uganda oo ah kuwa noocyo badan balse u badan dhinaca amniga ayaa waxaa garab socda kuwa lagula dagaalamayo musuqmaasuq iyo wax is-daba marinta.

Bulshada Soomaalida Kampala ayaa toddobaadkii hore waxay la kulmeen madaxda ciidamada booliska, nabadsugida iyo hay?adaha kale ee amniga ka shaqeeya, waxaana shirkaas nuxurkiisu ahaa in amniga laga wada shaqeeyo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: