Soomaaliland oo dib u howl-gelinaysa adeegga boostada ee deeganada maamulkaas

Burco, November 23, 2013 – Maamulka Soomaaliland ayaa qorshaynaya dib u howl-gelinta adeegga boostada ee magaalooyinka waa wayn iyo degmooyinka Soomaaliland, sidaas waxaa sheegtay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ee Soomaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda boostada Faysal Cali sheikh oo booqday xaruumaha Boostada ee Burco iyo Hargaysa ayaa shaaciyey inay Soomaaliland deg deg ah u howl-gelinayso adeegga oo dadku aaad ugu baahan yahay.

Faysal Sheikh oo saxaafada kula hadlay dhismaha boostada ee Burco ayaa sheegay in howshu bilaabanayso, balse Soomaaliland ma shaacin wakhtiga rasmiga ah ee la howl-gelinayo adeegga boostada.

Maamulka Soomaaliland, waxuu ugu baaqay dadka degan guryaha dowladda ee Burco in ay ka guuraan, Axmed Xaaji Cabdulaahi oo ah gudoomiyaha gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa sheegay in ay dadkaas dhul siin doonaan.

Soomaaliland waxay ka mid tahay meelaha ay horay uga jirtay adeegga boostada wakhtigii dowladdii Soomaaliya ee burburtay, waxaa ku yaala Burco, Hargaysa iyo Berbera dhowr dhisme oo waa wayn oo loogu talo-galay adeegga.

Dowladda Soomaaliya ayaa daddaal u gashay soo noolaynta adeegga boostada ee dalka, kaas oo haatan shaqeeya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com