HomeUncategorized

Gobollada Soomaaliya oo inta badan si wayn looga dabaal-degayo munaasabada Ciidul-Adxaa

Garoowe, October 15, 2013 - Guud ahaan dunida muslimka ayaa maanta inteeda badan looga dabaal degay munaasabada balaaran ee Ciidul Adxaa, meelaha sida wayn looga ciidayo ee dalka waxaa ka mid ah deeganada Puntland.

Baahin:Axad, 12 Jan 2014, Caawa Iyo Daljir, Weriye Cabdifataax Cumar Geeddi ~ Daljir ~ Garoowe
Dagaal kharaar oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna oo ka socda Galguduud.
Prof. Jawaari oo urrurada rayidka iyo Isimada Baay kala shiray wada-shaqaynta dowladda (Dhegeysi)

Garoowe, October 15, 2013 – Guud ahaan dunida muslimka ayaa maanta inteeda badan looga dabaal degay munaasabada balaaran ee Ciidul Adxaa, meelaha sida wayn looga ciidayo ee dalka waxaa ka mid ah deeganada Puntland oo idil, marka laga reebo meelo kooban oo aan laga dabaal-degin.

Madax sar sare oo ka tirsan dowladda Puntland ayaa munaasabada Ciidul Adxaa kala qayb galay bulshada, xili saaka lagu tukanayey garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe halkaas oo ay isugu tageen inta badan bulshada.

Docda kale magaalooyinka Boosaaso, Buuhoodle, Qardho, Badhan, Baargaal, Dhahar, Eyl, Caluula, Buurtinle, Laascaanood, Taleex, iyo Galdogob ayaa iyagana sidoo kale si wayn looga ciiday.

Akharistayaasha waxaan u balanqaadaynaa in aan u soo gudbin doono sawirrada sida hanaanka leh ee looga ciiday deeganada kala duwan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: