Prof. Jawaari oo urrurada rayidka iyo Isimada Baay kala shiray wada-shaqaynta dowladda (Dhegeysi)

Baydhabo, September 19, 2013 – Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya iyo qaar ka tirsan xubnaha gollaha shacabka ee dalka ayaa weli ku sugan magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay, halkaas oo ay dhowaan u taageen in ay xal buuxa ka gaaraan eedeymo ay waxgaradka deegaanka iyo bulshadu u jeediyeen dowladda.

Prof. Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamanka ee Soomaaliya ayaa bilaabay kulamada uu la qaadanayo waxgaradka gobolka si loo dhegeysto cabashada ay qabaan, iyo qorshaha maamul gobolleed halkaas laga dhisayo.

Shir jaraa?id oo uu Prof. Jawaari ku qabtay Baydhabo ayuu ku shaaciyey in ay kulamo la qaateen odoyaasha iyo bulshada rayidka ah iyagoo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo xurguf ka aloosnayd, waxaa uu sheegay in aysan dhibaato jirin haatan oo is afgarad uu dhacay.

?Odoyaasha waxaan u sheegnay meelo badan oo ay ku khaldan yihiin, sidoo kale annaga waxay naga toosiyeen si la mid ah wixii aan ku khaldanayn, waxaa dhacay is afgarad, waxaan dhegaysanay ujeedka dadka gobolka iyo muhiimada ka dambaysa maamulka ay dhisanayaan? ayuu yiri Prof. Jawaari

Gudoomiyaha Baarlamanka dalka waxaa uu si buuxda u shaaciyey in ay maqleen inta badan baahidii jirtay iyo cabashadii ay qabeen bulshada iyo waxgaradka gobollada Baay iyo Bakool, waxaa uu intaas ku daray in dhowaan la gaari doono natiijo buuxda iyo is afgarad lagu dhamaynayo xiisadii jirtay

Isimada gobolka Baay ayaa ku dhawaaqay in ay kalsoonidii kala noqdeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib 28 Agoost wakhtigaas oo dowladda federaalka ah ay heshiis la gashay maamulkii Jubbaland ?oo muran badan ka taagnaa, sidoo kale waxgaradka Baay waxay ka soo horjeesteen shirkii Brussels.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

DHEGEYSI:- Prof. Jawaari oo saxaafada uga war-bixiyey shir ay la yeesheen bulshada rayidka ah

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com