HomeUncategorized

Madaxweyne Xasan sheikh iyo Gudoomiye Jawaari oo hanbalyada Ciidul Adxaa u diray shacabka

Muqdisho, October 15, 2013 - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa mar kale hanbalayda Ciidul Adxaa u diray umadda muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee kala jooga dunida.

Madaxweynaha: ‘’Si aan horey ugu dhaqaaqno waa inaan isku tanaasulnaa, kana shaqeynaa dhismaha Soomaaliya oo horumarsan’’
Inta la hubo ku dhawaad 15 qof ayaa ku dhintay tiro ka badan 30-na way ku dhaawac-meen duqaymo diyaaradaha Maraykanku ay gaysteen koonfurta dalka Soomaaliya.
Baahin: Khamiis, Jan 05, Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. Bangiga dhexe ee Bossaso oo gubay lacag faalsa ah oo dhan 140 milyan oo Sh. So; Wajiga 2-aad ee shirka Khaatumo II oo bilawday & midnimada Somaliya oo bud-dhig looga dhigay; Ku xigeenka Gudd. gobolka Cayn oo cambaareeyey hanjaabaad ka soo yeertay Somaliland ee shirka Khaatumo II.

Muqdisho, October 15, 2013 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa mar kale hanbalayda Ciidul Adxaa u diray umadda muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee kala jooga dunida xili si weyn loogu dabaal-degayo Ciidda.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay is cafiyaan Ciidda carafo darteed, sidoo kale waxaa uu ku baaqay in la caawiyo masaakiinta weliba caruurta iyo hooyooyinka aan haysan wax ay bulshada kula damaashaadaan.

Docda kale gudoomiyaha Baarlamanka dalka ayaa hanbalyada Ciidul Adxaa u diray umada muslimiinta iyo kuwa Soomaalida oo idil ?Mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, Alle ayaa weyn,? dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed meel walba oo ay aduunka kaga noolyihiin iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan ugu hambalyeynayaa Ciida Carafo waxaanna leeyahay Ciid Wanaagsan, Sanadkaan sanad wanaagsan Alle hanooga dhigo ?

Gudoomiyaha Baarlamanka dalka waxaa uu isna ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in loogu roonaado dadka danyarta ah caawinta iyo in lala qaybsado farxada Ciidda, waxaa uu sheegay in ay tahay suno lagama maarmaan ah in la hirgeliyo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: