Muqdisho: Ardayda ayaa dhibaato waxaa ku haya isticmaalka xashiishad cusub (Taabuu)

HomeWararka

Muqdisho: Ardayda ayaa dhibaato waxaa ku haya isticmaalka xashiishad cusub (Taabuu)

Ardayda wax ka barta jaamacadaha iyo dugsiyada  magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo badanaya isticmaalkooda nooc ka mid ah daroogada oo laga keeno dalka

Golaha Wasiirrada Oo Ammaanay Guulaha Ciidanka Xoogga Dalku Kasoo Hooyeen Dagaalka Ka Dhanka Ah Argagaxisada (SAWIRRO)
FALANQEYN: HESHIISKII DOORSHADA SOOMAALIYE EE SHALAY LAGU SAXIIXAY MUQDISHO (daawo)
Somaliland oo diiday in Hargeysa laga dajiyo dhalinyaro Xabsiyada Libya laga soo dayaay

Ardayda wax ka barta jaamacadaha iyo dugsiyada  magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo badanaya isticmaalkooda nooc ka mid ah daroogada oo laga keeno dalka Indiya, taasi oo la sheego inay xasuusta ay soo celiso xiliyada imtixaanaadka.

Tubaakada Taabuuga ayaa kulan looga hadlayay waxaa lagu qabtay shalay magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay qaybaha bulshada rayidka ee gobolka Banaadir.

Xoghayaha xarrunta talo soojeedinta Soomaaliya Ambasador Diinaari ayaa oo ka qaybgaly kulanka ayaa waxaa uu sheegay daroogadan inay dhibaato ku hayso bulshada, taasi oo ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo dejiyaan dekedda Muqdisho.

Ambasadorka ayaa sheegay inkastoo dowladda ay dhowaan sheegtay inay mamnuucayso dekedda in laga soo dejiyo, haddana kunteenar uu ka buuxo dowladda ay ku canshuurayso dekedda Muqdisho.

“Runtii waxa ugu nasiibdaran oo macalimiinta qaarkood inoo sheegeen in Gabadhaha Jaamacadaha dhigta ay si caadi ah u isticmaalaan Taabuuka,hadda Dekadda Muqdisho waxa yaalla Kunteenar ay dowladdu dooneyso inay Canshuurto waaan uga digeynaa ayuu yiri Ambasadoir Diinaari ahna Xoghayaha Xarunta tala soo jeedinta Somaaliyeed.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: